Shaqo-joojin lagu sameeyay Rugta Ganacsiga & Warshadaha

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa maanta Shaqadii ka joojisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia (The Somali Chamber of Commerce and Industry).

Warsaxaafadeedka:

*Markii aan arkay sharci No.22 Taariikh 2 Nov.1985

Markii aan arkay qodobka 10aad farqadiisa 4aad ee xil haynta mudada maamulka Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 17aad farqadiisa 3aad ee qeexaya hadii dood dood ka timaado sharcinimada doorashada xubnaha guddiga Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 20aad farqadiisa 3aad oo sheegay waxaa lagu maareynayaa muranka shaqaalaha Ruhta oo ah xeer uu soo saaro Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

1: Laga Bilaabo maalinta uu saxiixo Wasiirku xeerkan waxaa la baabi’iyay lana burburiyay jiritaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Iyadoo la cuskanayo sharciyada kor  ku xusan.

2: Laga bilaabo maalinta uu saxiixo wasiirka wareegtadan, waxaa la joojiyay cidkasta oo la soo xiriiri jirtay ama ay la macaamili lahayd Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay gudaha iyo dibadda.

3:Sida Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha maamul Goboleedyada iyo kuwa Caalamka,Wasaaraddu waxay cayimi doontaa waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,marka ay la tashato Ganacsatada Soomaaliyeed, rugaha maamul Goboleedyada iyo madaxda ay khuseyso.

4:Laga bilaabo waqtiga wareegtadan la saxiixo majirto shakhsi ama hay’ad sharci  u haysta in uu ku hadlo magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

5:Dhamaan Rugaha ganacsi iyo Warshadaha maamul Goboleedyada dalka waxay toos ula soo xiriirayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed inta laga dhisayo rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

6:Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa labadii dhinac ee isku hayay maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka Banaadir in doorasho xor iyo xalaal ah lagu qaban doono caasimadda Muqdisho muddo bil gudeheeda,iyadoo dhamaan ganacsatada iyo dhamaan ganacsatada Gobolka Banadir uu u furan yahay ka soo qeyb galka doorashada.

7:Qaabka doorashada iyo maalinta ay dhacayso doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir Wasaaradda ayaa dib ka soo saari doonta.

8: Ugu dambeyn, SharciNo.22 kuna Taarikheysan 2 Nov.1985 kuna kana hadlaya dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha,Beeraha,Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Farshaxanka, waxaa lagu dhaqmayaa inta laga soo dooranayo madaxda rugta  cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed qodobka 38aad farqadiisa 1aad oo qeexaya  hogaamin ku meel gaar ah oo rugtu yeelato,iyadoo la raacinaayofaqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee qodobka kor ku xusan marka ay soo dhameystirmaan.

Wadashaqeyn wacan,

Khadra Axmed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM