Shir laba casho ka socday Garowe oo lasoo gabagabeeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha Dowladda oo maalinimadii shalay ahayd uu daah-furay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xirmay maanta.

Soo xiritaanka Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaasha Hay'addaha Madaxa-banaan iyo kuwa Wasaaradaha Dowladda,

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faraah Muuse ayaa ka warbixiyey gunaanadka shirka iyo maxsuulka kasoo baxay

“Shirkan aan isugu nimid waxaa uu ahaa kala faa’iidaysi Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha Dowladda marka laga soo tago waxa uu ahaa shir doodwadaag ah oo aaraah iyo fikir la’isku dhaafsanayey” Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa xusay in shirkan inta uu socdey lagu saxay wax yaabo badan oo khaladaad ah oo ka jirey Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladda, isla’markaana loo kala asteeyey cid waliba shaqooyinkooda.

Agaasimaha ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Tima-Cade oo muhiimadda shirka soo koobay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo dhammaan Hay'addaha iyo Wasaaradaha Dowladda ee sida buuxda uga qayb-qaatay shirka.

“Waxbadan ayaanu ka baranay oo ay kamid tahay in la saxo waxyaabaha naga khaldamay, si loo gaaro wax qurux badan, aad ayaan ugu mahadcelinaynaa cidwaliba oo soo qaban-qaabisay barnaamijkan faa’iidada badan noo leh". Ayuu yiri Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM