Shir looga hadlay Amniga Jubbaland oo lagu qabtey Kismaayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta 5, Nov, 2018, shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee heer Dowlad Goboleed.

Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee Jubbaland ka howlgala iyadoo diirada lagu saaray qodobadii kal hore la isla qaatay iyo qaabkii waxyaabaha ka dhiman loo hirgalin lahaa.

Madaxweynahu wuxu ugu horayn Hay’adaha Amniga Jubbaland ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay qaadeen Ciidamada Darawiishta iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu warbixin ka dhagaytsay Taliyaha Cusub ee guutada 11aad ee qaybta 43 ee Ciidamada xooga isagoo Taliyahu uu sharaxay dardar galinta iyo dib u habaynta lagu samaynayo Ciidamada SNA.

Sarakiisha Ciidamada AMISOM ee shirkan ka qaybta ah ayaa su’aalo laga waydiiyay waxyaabaha ka dhiman diyaar garowgooda iyo sidoo kale sidii howlgalka dhawaan la qaadi doono ay isugu diyaarin lahayeen waxaana ay sheegeen in ay arimo farsamo oo kaga dhiman talisyadooda ay sugayaan isla markana ay dardar galin doonan waajibaadka saaran.

Waxyaabaha ahmiyada leh ayaa kala ah isku furida Degmooyinka xorta ah gaar ahaan wadada Afmadow iyo Kismaayo oo ay ciidamadu maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyeen iyo sidii horay loogu socon lahaa xoraynta degaanada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM