Villa Somalia oo war kasoo saartey Shirka Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in wadajir looga arrinsado arrimaha muhiimka u ah horu socodka iyo dowladnimada dalka, isagoona ku bogaadiyey Madaxda sida ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himlooyinka shacbka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo dalka, mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM