Wasiirada DF oo ka hadlay Geerida Maxamed Abshir Muse

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar).

Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir, Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey xarunta gurmadka.

Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd.

Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.

Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.

Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii Dawladii lagu soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, isla markaasna ku guuleystay in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta dalka, caana ka ahaa Afrika.

Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada, xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017.

Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM