Shirka Gollaha Wasiiradda oo looga hadlay Guushii Lafta Gareen ee doorashada KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Shirkii todobaad-laha ee Gollaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saarey arrimo dhowr ah, oo ay kamid tahay guushii Cabdi-Casiis Lafta Gareen uu ka gaarey doorashadii madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

Sharciga iibka qaranka oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, ayaa dib-u-eegis lagu kadib waxaa lagu sameeyay horumarin wayn si hannaanka iibka qaranka loo casriyeeyo looguna saleeyo qorshaha iibka qaranka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, dakhi aruurinta, xakamaynta qarashaadka iyo shilinka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in meel wanaagsan uu marayo geedo socodka dayn cafinta Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qayb gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM