Shirkii Jordan oo looga hadlay xoojinta xasilloonida Soomaaliya

Image

Aqaba, Jordan 19 April 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Bariga Afrika ayaa maanta si qota dheer wadatashi uga yeeshay amniga Geeska Afrika iyo sida looga hortagi karo argagixisonimada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Geeska Afrika, ayaa waxaa shir maalin socday oo ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba, ku casuumey Boqorka Urdun Cabdalla, si loo helo qorshe iyo talaabo mideysan oo lagu ciribtirayo argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah isu tusaaleeyay, iskuna raacey in Soomaaliya si gaar ah looga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadda diiddan oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika.

Shirkan maanta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa la isku raacey in argagixisonimada ay khatar ku tahay caalamka oo dhan, loona baahan yahay in si wadajir ah mas’uliyad la isaga saaro baabi’inteeda.

Shirkan waxaa kale oo ka soo qeybgaley wafdi ka socdey dowladda Faransiiska.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM