Soomaaliya: Axmed Madoobe oo soo bandhigay qorshooyin cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Jubbaland iyo xubno maamul oo maalmahan Kismaayo u joogay Barnaamijka Hormarinta Degmoyinka oo ay fulinayso Wasaarada Arimaha Gudaha.

Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Degmooyinka xorta ah ay ka bilaabayaan dhawaan shaqooyin la xiriira hormarinta Bulshada sida Caafimaadka Waxbarashada biyaha iyo jidadaka iyadoo lala kaashanayo maamulada Degmooyinka iyo Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qorshaha xormarinta Magaalooyinka uu saldhig u yahay hanan furan oo loo wajahayo adeegyada Bulshada isla markaana dhinacyo badan laga eegayo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kaabayaasha dhaqaalaha la kobcinayo iyadoo la hirgalinayo qorshaha kobcinta dhaqaalaha oo Wasaarada Maaliyadu ay garwadeen ka tahay.

Madaxweynahu wuxuu xusay in amaanka deeganada xorta ah oo wanaagsan lagaga faa”iidaysan doono in la hormariyo Bulshada.

Isagoo ka hadlayay hananka hirgalinta golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay meel wanaagsan marayso dardar galinta hawshan oo Wasaarada Arimaha gudahu ay gacanta ku hayso.

Deegaanada Buurdhuubo iyo Dhoobley ayuu Madaxweynahu xusay in golayaasha deegaanka ay xubno ku yeelan doonan wixii farsamo ahaan dhimana la dhamaystirayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM