Soomaaliya: Baaq laga soo saaray Xiisadda ka taagan Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartey baaq ka kooban 5 qodob oo ku aadan xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

Waxaa loogu baaqay Mas'uuliyiinta Puntland iyo Somaliland in khilaafkooda ay qaab nabadeed ku xaliyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan dagaal dhiig ku daata oo ka dhaca deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo xilligan dufuuro adag ay ka jiraan.

Culimadu waxay ka digeen cawaaqib xumada, burburka, iyo barakaca ka dhalanaya dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaro Tukaraq, halkaasi oo mudooyinkii dambe ay labada maamul u direen ciidamo iyo gaadiidka dagaalka.

Deegaanka Tukaraq oo horey ay gacanta ugu hayeen ciidamada Puntland, ayaa waxaa 8-dii bishan la wareegay ciidamada maamulka Somaliland, iyagoo duulaankaasi kusoo beegay booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe.

Ciidamada labada maamul ayaa isku hor-fadhiya deegaan duleedkiisa, waxaana dadka deegaanka billaabeen inay isaga barakacaan guryahooda cabsi ay ka qabaan dagaal halkaasi ka dhaca.

Ma jirto wax waan-waan iyo isku-dayo ka socda labada dhinac oo lagu qaboojinyo saan-saanta colaadeed ee ka taagan Tukaraq, iyadoo ay horey u jireen baaqyo la jeediyay oo shaqeyn waayey.

Hoos ka akhriso Baaqa Culimada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM