Soomaaliya: Maareeye oo Shaqa Joojin ku sameeyay Agaasimiyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta soo saarey wareegto uu shaqadii uga joojiyay Agaasiimihii Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaalle.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Agaasiimaha xilka looga qaadey Musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin uu ku sameeyay Shaqada Wasaaradda iyo Adeegyada Wasaaradda u qabato Ganacsatada Soomaaliyeed.

Maareeye ayaa sidoo kale xilkii ka qaadey Agaasiimaha Waaxda Ganacsiga Wasaaradda, oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Cismaan Maxamed, oo isna musuq-maasuq uu ku eedeeyay.

Warqadda shaqo joojinta labada Agaasime ayaa waxaa lagu wargeliyay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM