Soomaaliya: Madasha Siyaasiyiinta Puntland oo ka Jawaabey Hadalkii Gaas

Image

Kadib markaan dhageysaney waraysigii Madaxweynaha Puntland ee Idaacada BBC-du ka qaadaya shalayto;

1. Puntland Focus Group soo dhoweyneysaa, ugana mahadnaqaysaa Madaxweynaha Dawladda Puntland in soo dhoweeyey taladayadii, kuna dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland dhacayso January 8, 2019.

2. Puntland Focus Group waxaa ay ku baqaysaa in Madaxweynuhu mudada u dhiman xoogga saaro arrimaha amniga dalka iyo wadajirka bulshada.

3. Waxaan odayaasha dhaqanka ugu baaqaynaa inay xubnaha golaha wakiilada u soo xulaan dad karti iyo hufnaan leh, tixgelinaaya dareenka shacabka iyo xaaladda guud ee Puntland, diyaarna u ah inay hormuud ka noqdaan is-bedel dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo dib-u-curasho dhab ah oo Puntland. 

4. Waxaan Mar kale Madaxweynaha xasuusinaynaa ilaalinta talooyinkii iyo qodobadii la xiriiray dastuurka iyo khayraadka ee aan ku soo saarray warqadahayagii koowaad iyo labaad ee Puntland Focus Group.

5. Waxaan Madaxweynaha si xushmad leh ugu baaqaynaa inuu talo balaaran, miisaaman oo loo dhan yahay, ka yeesho xubnaha xallinta khilaafaadka ee Golaha Shacabka Dawladda Puntland. 

Xubnaha Puntland Focus Group: 

Cabdullahi Axmad Jaamac (Ilka Jiir)

Cabdi Faarax Saciid ( Juxaa )

Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Jana Gale)

Cali Xaaji Warsame

Faarax Cali Shire 

Jamiila Saciid Muuse

Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Khalif Ciise Mudan

Dr Maxamed Salaad Cali (Qoryooley)

Maxamud Axmad Xasan ( Dhagaweyne) 

Saciid Cabdullahi Deni 

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) 

Af-Hayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com

Telka Gacanta: (Australia) +61469728645

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM