Imaaraadka oo cambaareeyay siyaasadda danaha shaqsiga ku salaysan ee Xasan Sheekh
ABU DHABI - Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaaraysay tallaabooyinka iyo mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xiriirka labada dal, iyadoo sheegtay in hab-dhaqanka dowladda Soomaaliya uu dhaawacayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada waddan.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in go'aannada saameynaya xiriirka labada dal ay tahay inay ku salaysnaadaan danaha wadajirka ah, lagana fogaado arrimaha siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha.
Wasaaraddu waxay sidoo kale muujisay walaac ay ka qabto waxa ay ku tilmaantay isku dayga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay Imaaraadka ku dhex darto khilaafaadka siyaasadeed iyo loollanka awoodda ee gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in arrimahaasi ay saameyn taban ku yeelan karaan danaha labada shacab.
Imaaraadka ayaa bayaanka ku xusay in uu bishii Janaayo 2026 xiray safaaraddiisa magaalada Muqdisho, isla markaana uu dalka kala baxay diblomaasiyiintiisii, sababo la xiriira tallaabooyinka ay dowladdaasi ku tilmaantay kuwo saameeyay safaaraddeeda iyo xiriirka labada dal, oo ay ku jiraan go'aankii Soomaaliya ay ku baabi'isay heshiisyadii labada dhinac.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa caddeysay inay weli qiimeyn weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xustay xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexaysa labada shacab, gaar ahaan Soomaalida ku nool Imaaraadka iyo kuwa booqda dalkaas.
Imaaraadka ayaa sheegay inuu doonayo ilaalinta iyo xoojinta xiriirka shacabka labada dal iyo danaha ay wadaagaan, inkasta oo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi uu sii xoogeysanayo.
Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 19-ka November 2026 amartay in safiirka Imaaraadka Carabta uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka safiirkeeda ku sugan Abu Dhabi dib loogu yeeray wadatashi diblomaasiyadeed.
GAROWE ONLINE