Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka oo cirka isku shareertay, iyadoo labada dhinac ay hadallo kulul isku weydaarsadeen

Image

MUQDISHO — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Arbacadii shalay ku eedeeyay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta inay huriso colaadaha, iibsato daacadnimada siyaasiyiinta, isla markaana wiiqdo madax-bannaanida dalalka kale.

Fiqi ayaa hadalkan kaga jawaabay qoraal uu la-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, ku weeraray hadal uu dhowaan jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu Imaaraadka ku eedeeyay faragelin joogto ah oo uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in fikradaha uu ku tilmaamay kuwo waxyeello iyo burbur horseedaya ay saameyn ku yeesheen siyaasadda Imaaraadka ee hurinta dagaallada.

“Lacagtiinnu ma iibsan karto rabitaankeenna, mana jebin karto midnimadeenna. Joojiya ka macaashka musiibooyinka shucuubta, hana ku dhisina barwaaqadiinna burburka dalalkooda. Dhiigga dadka aan waxba galabsan ma aha badeecad la kala iibsado,” ayuu Fiqi ku yiri farriintiisa.

Gargash ayaa horraantii toddobaadkan dhaliilay khudbad qaran oo uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo sheegay in hadallada madaxweynaha ay ka tarjumayaan mowqifyo isbeddelaya iyo dano shaqsiyeed oo laga hormarinayo danta qaranka.

La-taliyaha Imaaraadka ayaa sheegay in Abu Dhabi ay garab istaagtay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, balse uu loollanka awoodda ee gudaha dalka uu Soomaaliya ku jiidayo khilaafaad gobolka ka jira oo aan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed iyo himilooyinkooda ku aaddan amniga iyo xasilloonida.

“Xiriirka naga dhexeeya shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaan doonaa mid ka qoto dheer kana waara khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, dano shaqsiyeed iyo hammi siyaasadeed,” ayuu Gargash ku qoray barta X.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Imaaraadku uu Soomaaliya ka sameystay saldhigyo ciidan, isla markaana uu dalka keenay ciidamo aan ku jirin nidaamka amniga qaranka, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan burisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, waxayna hawadeeda ka xirtay diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee dalkaas.

Si kastaba, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay dib u furto xiriir ku dhisan sinnaanta, is-ixtiraamka iyo madax-bannaanida labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe soo maray marxalado ay isugu jireen khilaaf iyo dib-u-heshiisiin, iyadoo xiisadda ugu dambeysay ay xoogeysatay bishii Janaayo, kaddib eedeymo la xiriira faragelinta Imaaraadka ee siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Sannadkii 2018-kii, Imaaraadku wuxuu cambaareeyay tallaabo ay Soomaaliya kula wareegtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo laga helay diyaarad Imaaraati ah oo ku degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isaga oo sheegay in lacagtaasi loogu talagalay taageeridda ciidanka Soomaaliya iyo tababarka askarta.

Dhacdadaas kaddib, Imaaraadku wuxuu soo afjaray barnaamijkiisii tababarka ciidamada Soomaaliya, halka uu beeniyay eedeymihii dowladda Soomaaliya ee ahaa inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Hiiraan oo isu beddeshay kacdoon hubeysan, ciidamo ka tirsan dowladda oo ka baxay furimaha dagaalka

Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib baaq uu jeediyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ah hoggaamiyaha dhaqanka beesha Hawadle.

  • Soomaliya

    19-11-2026

  • 07:02AM

Gargash oo ka jawaabay eedeymaha Xasan Sheekh, kuna eedeeyay inuu danaha gaarka ah ka hormarinayo kuwa qaranka

Mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid wax-ka-beddelka dastuurka, iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay u adeegsanayso muddo-kordhin.

  • Soomaliya

    18-11-2026

  • 11:45AM