Xiisadda Hiiraan oo isu beddeshay kacdoon hubeysan, ciidamo ka tirsan dowladda oo ka baxay furimaha dagaalka
BELEDWEYNE — Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan gobolka Hiiraan ayaa isu beddeshay kacdoon hubeysan, iyadoo boqolaal askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka baxeen furimaha dagaalka, kuna biireen xoogag hubeysan oo ka sameysmaya magaalada Beledweyne, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Sahan Global.
Warbixinta ayaa sheegtay in xiisadda muddooyinkii dambe ka taagneyd Hiiraan iyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya maamulka Muqdisho ay toddobaadkan isu beddeleen kacdoon hubeysan, taas oo cadaadis hor leh ku abuureysa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa toddobaadkii hore isaga oo wata dagaalyahanno hubeysan iyo gaadiid dagaal uga soo gudbay dhinaca Itoobiya, kuna biiray kacdoonka magaalada Beledweyne, halkaas oo uu ka sameystay xarun uu ka hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa ka socda gobolka, isaga oo taageero ka helaya qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in boqolaal askari oo beesha Xawaadle ka soo jeeda, kuwaas oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, ay ka tageen fariisimihii ay kaga jireen dagaalka Al-Shabaab, ayna ku biireen ciidamo beeleed cusub oo loogu magac daray Is-difaaca Hiiraan.
Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib baaq uu jeediyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ah hoggaamiyaha dhaqanka beesha Xawaadle, oo tabasho ka ah awood-qeybsiga HirShabeelle.
Dhanka kale, warbixintu waxay sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan Macawiisleyda, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Afar-Makane, ay iyaguna ka baxeen fariisimihii muhiimka ahaa ee ku yaallay waddada isku xirta Maxaas iyo Matabaan, si ay uga qeyb qaataan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Beledweyne.
Ka bixitaanka ciidamadaas ayaa, sida ay Sahan sheegtay, fursad siisay Al-Shabaab inay qabsato deegaanka Coomaad, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in kooxda ay sii ballaariso deegaannada ay maamusho.
Isku dayga Villa Somalia ee dejinta xiisadda
Warbixinta ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu isku dayay inuu dejiyo xiisadda, isaga oo Beledweyne u diray Cali Jeyte Cismaan, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, iyo Wasiirka Batroolka Daahir Shire Maxamed, si ay wadahadal ula yeeshaan Ugaas Yuusuf.
Hase yeeshee, sida ay Sahan Global qortay, isku daygaasi ma noqon mid miro-dhal ah, iyadoo kolonyada Cali Jeyte la hor istaagay, ilaaladiisana rasaas lagu furay. Warbixintu waxay sheegtay inaan la xaqiijin inuu awood u yeeshay inuu kulan la yeesho Ugaaska.
Dowladda ayaa sidoo kale dallacsiisay saraakiil badan oo ka soo jeeda beesha Hawadle, taas oo warbixintu ku tilmaantay tallaabo lagu doonayo in lagu yareeyo ka bixitaanka ciidamada iyo tabashooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka.
Cali Jeyte ayaa loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Guuto, halka warbaahinta Soomaalidu ay sheegtay in in ka badan 70 sarkaal oo Xawaadle ah la dallacsiiyay.
Tabashooyin siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay
Warbixintu waxay xustay in saddexdii maamul ee isku xigay ee Hirshabelle ay hoggaaminayeen siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Abgaal, taas oo ay ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa heshiiskii awood-qaybsiga iyo wareejinta hoggaanka ee markii hore lagu dhisay maamulka.
Waxaa sidoo kale jira khilaaf ku saabsan halka ay tahay inay ku taallo caasimadda Hirshabelle, iyadoo Beledweyne ay muddooyinkii dambe ka jireen baaqyo ku saabsan in xarunta maamulka laga raro Jowhar loona wareejiyo gobolka Hiiraan.
Warbixinta ayaa ku doodday in isku dayga dowladda federaalka ee lagu xoojinayo awoodda dhexe, iyadoo aan si buuxda wax looga qaban tabashooyinka maamul-goboleedyada iyo beelaha, uu sii hurinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni.
Waxay ka digtay in sii socoshada xiisadda Hiiraan ay horseedi karto xasillooni-darro hor leh, kala fogaansho u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada gobollada, iyo in Al-Shabaab ay ka faa'iideysato kala-daadsanaanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
GAROWE ONLINE