Soomaaliya: Shir heer caalami ah oo ka furmayo Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan heer sare ah oo ku saabsan amniga ayaa maalinta maanta (4-ta Diseembar) ka furmayo caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana kulankaas looga hadli doona habka dhammeystiran ee loo wajahayo amniga dalka, kaas oo daba-socda Shirki London ee la qabtay bisha May ee sanadkan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qabanaya kulankan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa si rasmi ah u furi doono kulanka, waxaana ka qaybgali doonaa wakiillo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubnaha maamul goboleedyada, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ee caalamiga ah.

Qodobbada ugu waaweyn ee kulanka looga hadli doono waxaa ka mid ah hirgelinta qorshaha Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, kaas oo udub-dhexaad u ah in la sameeyo isbeddel amni oo waara iyo xil wareejinta mas’uuliyadda koowaad ee amniga oo laga wareejiyo AMISOM loona wareejiyo ciidamada ammaanka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale arrimaha laga arrinsan doona ka mid ah maalgelinta qaybta amniga ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee ku aaddan xil-wareejinta AMISOM.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in kulanka uu aad muhiim u yahay dib u eegista horumarka ilaa iyo haatan laga gaaray dhinaca amniga iyo siyaasaadda ee Soomaaliya.

“Guulaha la gaaro waxaa loo eegi doona go’aannada muhiimka ah ee la gaari doono si ay AMISOM awood ugu yeelato in ay Al-Shabaab ku qaaddo howlgallo ballaaran oo wax ku ool ah, in AMISOM ay awood u yeelato in ay hirgeliso waajibaadka cusub ee ka soo baxay qaraarka golaha ammaanka si aan u awoodno in aan sameyno howlgallo nadiifin ah ee ah ka dhan Al-Shabaab, in aan sugno amniga waddooyinka muhiimka ah, aan hagno ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee jooga iyo in aan si wax ku ool ah aan u taabbagelinno si ay awood u yeeshaan in ay nagala wareegaan xilka,” ayuu yiri Danjire Madeira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM