Villa Somalia oo war kasoo saartey booqashada Afwerki ee Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah.

Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka.

Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM