Villa Somalia oo war kasoo saartey safarka Farmaajo ee Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM