Villa Soomaaliya oo fahfaahisay shirka Farmaajo iyo madaxda Ahlu Sunna

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho, kaddib markii uu xalay kusoo xiray magaalada Dhuusamareeb wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka soo amba-bixin magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa uu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay Culimada hoggaanka u ah Ahlu Sunna, isagoona ku ammaanay doorka samatabixineed ee ay dhabarka u riteen culimada deegaanku.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.

Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Xubnaha Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa tilmaamay in shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ay u garoowsan yihiin dadaalka mugga weyn ee ay la yimaadeen tan iyo maalintii la magacaabay, kaas oo horseeday in laga gudbo caqabado waaweyn oo hortaagnaa midnimada, horumarka iyo dowladnimada Galmudug.

Villa Soomaaliya

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM