Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay shirkadda Favori

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle.

Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay.

Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamul loo dhanyahay.

Shirkada Favori oo laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa maamusha laba kamid ah keebayaasha dhaqaalaha ugu muhiimsan Soomaaliya oo kala ah; garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho.

Inkasta oo nuqulo kamid ah heshiiska aanan wali lasoo bandhigin, haddana waxaa kasoo shaqeeyay wasiirka Duulista Hawada Maxamed Salaad Oomaar kadib wada hadalo muddo qaatey.

Favori, oo ay kamid ah shirkadaha aadka ugu dhow dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa dalka keentay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

OPMSomali + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM