Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uga digay Madaxda Maamullada Muddo kororsi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay madaxweyniyaasha dowlad goboleedyda dalka inay sameeyaan mudo korarsi aan sharci ahayn, xilli doorashooyin kusoo wajahan yihiin.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

War Saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed ee Galmudug cirka isku sii shareereyso, islamarkaana markale maamulkaasi ukala jabay laba dhinac oo Cadaado iyo Dhuusamareeb ka wada dhaq-dhaqaaqyo isku soo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM