Wasiiru Dowlaha A. Dibadda Somali oo shir kaga qayb galay Milan

Image

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga Dr. Khaalid Cumar Cali ayaa magaalda Milan ee dalka Talyaaniga uga qayb galay shir looga hadlayey wadamada Africa ee Hormarkoodu hooseeyo, Shirka oo heer Wasiir ah ayaa laysla soo qaadaya sida wadamadda Africa ula imaan lahaayeen isbadal ku saabsan horumar ay ku sameeyaan dalalkooda.

Shirkan waxaa isla qaban qaabiyey Xafiiska UN u qaabilsan  dowladaha hormarkoodu uu hooseeyo UN-OHRLLS iyo Wasaaradda Arriamha Dibedda ee Jamhuuriyadda Taliyaaniga wuxuuna socon doonaa mudo laba cisho ah. 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Dr. Khalid Omar Ali  ayaa madasha ka jeediyey qudbad xasaasi oo taabaneysa xaaladda soomaaliya iyo hormarka sida xowliga ugu socda dalka. Wasiirka ayaa  tilmaamay in ay Soomaaliyada maanta ay ka duwantahay Soomaaliyadii shalay. Xukuumadda Soomaaliya iyada oo kaashaneysay shacabkeeda waxay hormar ballaaran ka sameysay la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale wasiiru-dowlaha wuxuu sheegay   in Soomaaliya leedahay kheyraad badan oo dabiici ah sidaas darteed uu ku dhiirigelinayo hay,adaha caalamiga iyo Shirkadaha iyo ganacsatada Taliyaaniga in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Taas oo tusaale ugu soo qaatay maalgeshiga ballaaran ee ay dowladda walaaha Turkiga ka wado Dalka Soomaaliya.

Wuxuu sido kale rajo badan ka muujiyey in ay Soomaaliya mardhow ku talaabsan doonto ujeeddooyinka hormarka  ee  Milliniumka (MDGs) islamarkaana ka bixi doonto dowlada heerkooda hormarineed uu hooseeyo ( LDC category). Iyadoo Soomaaliya ay ku faaneyso firfircoonada, awoodda iyo hal abuurka ganacsatada Soomaaliya oo ka sarreeya wadamo badan oo caalamka ah.

Inta uu socda shirkan Wasiiru-dowlaha wuxu kulamo gaargaar ah la yeelan doonta  madaxda sare ee hay’adda UN ka iyo qaar ka tirsan ka soo qeybgalayaasha shrike waxayna kulan hordhac ah yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Taliyaaniga H.E. Mr. Paolo Gentiloni.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM