Xafiiska QM ee Somalia oo ka hadlay xil ka qaadista Ra'isal wasaaraha

Image

Muqdisho, 6 December 2014 – Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu garwaaqsaday codkii maanta uu baarlamaanku kalsoonida kala noqday Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu amaanay shaqada uu ka qabtay nabadaynta Soomaaliya, wuxuuna ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo dhiso.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay hadda u baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’adaheeda iyo madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga geystaan inay Soomaaliya gaarto horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hartay xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga wadaqaybgalo. Waxaan rajeynayaa, marka Xukuumadda la dhiso, in madaxda Soomaaliya ay isla gaari doonaan heshiis ku aaddan sidii looga hortagi lahaa qalalaanso sidaas oo kale ah iyo xasillooni darro dhacda mustaqbalka. Waxaan ku faraxsanahay in Baarlamaanka Federaalka ay hadda suuroobi doonto inuu maalmaha soo socda diiradda saari doono dejinta shuruucda muhimka ah si uu u suurtoobo isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sharciga dhisaya Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Doorashada iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta.”   

“Qaramada Midoobay waxaa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaarka, Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay in laga gudbo toddobaadyada soo socda. Waxaa muhim ah in haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha laga tira badanyahay la siiyo fursad ay kaalin buuxda kaga cayaaraan hanaankan iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee kale,” ayuu raaciyay.  

Dhamaad. 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM