Xog dheeraad ah oo ku saabsn Booqashada Farmaajo ee Qadar

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOHA - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyagoo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah ee dowladda Qadar.

Waxaa sidoo kale Doha ugu horeeyay Agaasiimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw la leh dowladda Qadar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Booqashada Farmaajo ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka dowladiisa  iyo Imaaraadka uu hoos u dhacay, iyadoo maamul goboleedyada qaar ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay ka weecatey dhex-dhexaadnimada islamarkaana la safatay Qadar.

Waa safarkii labaad oo Madaxweynaha uu ku tago Qadar tan iyo markii la doortey bishii Febuary ee sanadkii 2017-ka, waxaana booqashadiisii ugu dambeysay ay ahayd May 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM