Xukuumadda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ansixisay sharci cusub

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta.

Shirka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM