Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Xiisadda Balad-Xaawo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale, waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay Maleeshiyaad Nabad diidka Alshabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, islamarkaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga waxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Al-shabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” Ayuu yiri Wasiir Eng. Yariisoow.

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

”Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo Howlaheeda, ha noqoto qorshaha u dagsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey” siddaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM