Aqalka Cad oo ka hadlay qaraxa Muqdisho, Trump oo ka aamusey

Image

WASHIINGTON– Hadal kasoo baxay guriga looga arimiyo Dowlada Mareykanka (White House) ayaa lagu cambaareeyey qaraxii dad Ku dhow 300 qof ku dhinteen ee ka dhacey dalka Soomaaliya magaalo madaxdiisa Muqdisho.

Xogheynta u qaabilsan saxaafada aqalkaas Sarah Huckabee hadal ay sheegtey maalintii Isniinta ayey waxay tiri in dowlada Mareykanku si xoogan u cambaareyneyso weerarkii wuxuushnimada ahaa ee lagu xasuuqey dad tiro badan oo aan waxba galabsan kuwasoo ay ku jireen Rag, Dumar iyo Caruur 14 Oct,2017.

Gabadhaan ayaa sidoo kale sheegtey in tacsi u direyso qoysaskii dadkaan ka geeryoodeen.

Qaraxaan oo lala beegsadey mid kamid ah wadooyinka ugu mashquulsan magalaada Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatey dad gaarya 300 halka dhaawacu ku dhow yahay 500 qof.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay qaraxaan kooxda Al Shabaab oo iyadu ka aamustey sheegashadiisa.

Senders ayaa ugu yeertey ururada argagixisada ah kuwa kasoo horjeeda jiritaanka dadka iyadoo xustey in dowladeedu garab taagan tahay shacabka Soomaaliya iyo dowladiisa iyadoo ay kala shaqeyn doonaan la dagaalanka kooxdaan iyo dib u dhiska dalkooda.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii shacabka Mareykanka iyo dadka la socda siyaasada Madaxweyne Donald Trump isweydiiyeen sababta uu ugu aamusey inuu cambaareeyo weerarkaan markii uu dhacey.

Donald Trump oo looga bartey in markii ay dhacaan weerarada noocaan oo kale ah qoraalo ku soo qori jirey bartiisa Twitter ayaa gabi ahaanba ka aamusey xasuuqaan argagixisada caalamiga ah ku sameysay shacabka Soomaalida.

Wargeyska Newsweek oo isugu wax ka soo qorey aamusnaanta Donald Trump ayaa ku tilmaamey in sababtu tahay madaama dadka isaga doorrtey aysan daneyneen dhacdadaan.

Newsweek oo maqaalkaan ugu dhigey cinwaan “ Maxaa Donald Trump uga aamusan yahay qaraxa Muqdishu, iyadoo boqolaal qof ku dhimatey” ayaa sheegey weeraradii ka dhacey London iyo magaalooyinka Yurub Madaxweynaha Mareykanku Twitter soo dhigey daqiiqadihii ugu horeeyey isaga oo aan tafaasiil dheraad ah ka hayn qaraxaan.

GO+WAKAALADAHA

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM