​Wariyaal la toogtay iyagoo toos wax u tabinaya

Image

Saddex nin ayaa la xiray kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica.

Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.

Muuqaalka ayaa muujinaya tabintii tooska aheyd oo ay soo dhexgashay rasaas iyo haween argagaxsan oo ku qeylinaya "Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday!".

Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay Talaadadii ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo.

Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soojeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.

Haweeney sidoo kale ku dhaawacantay weerrarka ayaa haatan qalliin lagu hayaa sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Ragga la xiray ayaanan weli lagu soo oogin wax dacwad ah, booliskuna waxa uu sheegay in aanay garanayn sababta keentay weerrarkan.

Ivory Coast oo lix saxafi u maxkamadaysay sidii ay u tabiyeen wararka askar gadooday

"Baaritaanadu waa ay bilowdeen oo waannu isku dayi doonnaa inta karaankayaga ah inaannu runta ka sal gaarno." Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dominica, Jean Rodriguez, ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Bishii Agoosto 2015, laba weriye oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu toogtay Virginia iyagoo si toos ah TV ugu warramaya.

BBC

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM