Camey: Talaabada lagu joojinayo gadiidka maamulka Puntland sumacad bay u keeentey

Image

GALKACAYO, Puntland- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey oo warbixin kooban ka siiyey halka ay mareyso howshii baarista iyo joojinta gadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia gaar ahaan gobolada dhexe warsidaha GO ayaa sheegey in meel fiican mareyso islamarkana hirgashay.

" Howshaasi si wanagsan ayey u socotaa wayna hirgashay, way jiraan caqabado yar yar ah lakiin waan xalin doonaa" ayuu yiri isagoo khadka taleefanka ugu waramaya warsidaha Garowe online.

Mar aan wax ka waydiiney saameynta ay ku yeelatey ganacsiga Puntland ayuu sheegey  Madaxweyne ku xigeenka Puntland in ganacsatadu  hadda la qabsadeen qaabka howshu u socoto islamarkana fahmeen muhiimadda ay leedahay in amniga la sugo.

"Barnaamijkaan lagu joojinayo Gadiidkaan waxaa uu Puntland u soo kordhiyey sumacad badan iyadoo dhinaca kale la ogaadey muhiimada degaanada maamulkaan ka arimiyo u leeyahay dalka Somalia" ayuu sheegey mudane Camey mar uu la hadlayey GO.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga waydiiyey saameynta ay yeealatey joojinta gadiidka sida qudaarta ka imaanaysa gobolada  dhexe ee Somalia gaar ahaan gobolka Hiraan ayuu qirey in ay jiri karto caqabado soo foodsaara ganacsatada Puntland balse waxaa xusey in suuq badan ay heleen beeraleyda qudaarta kasoo baxda degaanada Puntland.

Camey ayaa sheegey in talabadaan u soo kordhisay Puntland lahaansho iyo in degaanadooda ka joojin karaan arimaha dhibka u keeni kara.

" Waxaan ogaaney waxyaalo badan sida in xoolalaha ka dhoofa dakada Bebera ay dhexmari jireen Puntland, waxay soo direen codsi ah in gadiidka ka imaanaya gobolada dhexe ee Xoolaha u sida la fasaxo" ayuu sheegey Mudane Camey.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusey iney jiraan gadiid ka leexda magalaada Galkacayo kuwasoo ka yimaada gudaha Puntland iyo gobolada dhexe isagoo xusey in ay talaabo ka qaadi doonaan.

Talaabada lagu joojinayo gadiidka isaga talaabi jirey gobolada Puntland iyo Koonfurta Somalia ayaa shacabka siyaabo kala duwan uga hadleen kuwasoo qaar ka  tirsan soo dhoweeyeen halka kuwa kale sheegeen iney jirto siyaabo kale oo amniga dowladu u sugi karto balse aysan aheyn iney saameyn ku yeelato ganacsiga.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM