​Farole oo beeniyay warar warbaahintu ka qortay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa Madaxweynaha Somalia ahna Xildhibaan katirsan aqalka Sare Barlamanka Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar ka qortay oo ku saabsana kulan dhexmaray; Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, Farole iyo Juriile.

Kulankaas, ayaa warbaahinta Qaar u dhigtay in looga hadlayay tanaasulaad midkood uu sameeyo Farole iyo Cumar, halka qaybtood sheegeen in Madaxweynihii hore Puntland loo sameeyay ballanqaadyo kala duwan.

Balse, Dr Farole oo su'aalo kooban warbaahintu weydiisay xilli uu joogay goob lagu sagootinayay Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Garowe, ayuu sheegay in warkaasi waxba ka jirin isagoo sidoo kale ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo waxyaabaha looga hadlay kulankii shalay.

Wuxuu intaas ku daray in kalankoodu ahaa wadatashi oo kaliya.

Qoraalada shirkaas laga sameeyay, wuxuu u dhigay kuwo loogu loollan garaynayo murashaxiinta u ordaysa xilka Madaxweynaha Somalia, wuxuuse xusay inaan sidaan oo kale wax loo turjumin ee tartanka si nadiif ah loo galo.

Madaxweynihii hore Puntland, ayaa sidoo kale beeniyay inaysan jirin wax ballanqaad ah oo loo sameeyay sida warbaahinta qaar daabacday iyo in taanasul uu ka galayo qorshihiisa.

Hadalka Farole, ayaa kusoo aday xilli  kulan saxaafaddu dibadda ka joogtay uu kasocdo magaalada Garowe, kaasoo u dhaxeeyay RW Cumar, Madaxweyne Gaas iyo Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan la doortay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM