​Farole oo beeniyay warar warbaahintu ka qortay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa Madaxweynaha Somalia ahna Xildhibaan katirsan aqalka Sare Barlamanka Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar ka qortay oo ku saabsana kulan dhexmaray; Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, Farole iyo Juriile.

Kulankaas, ayaa warbaahinta Qaar u dhigtay in looga hadlayay tanaasulaad midkood uu sameeyo Farole iyo Cumar, halka qaybtood sheegeen in Madaxweynihii hore Puntland loo sameeyay ballanqaadyo kala duwan.

Balse, Dr Farole oo su'aalo kooban warbaahintu weydiisay xilli uu joogay goob lagu sagootinayay Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Garowe, ayuu sheegay in warkaasi waxba ka jirin isagoo sidoo kale ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo waxyaabaha looga hadlay kulankii shalay.

Wuxuu intaas ku daray in kalankoodu ahaa wadatashi oo kaliya.

Qoraalada shirkaas laga sameeyay, wuxuu u dhigay kuwo loogu loollan garaynayo murashaxiinta u ordaysa xilka Madaxweynaha Somalia, wuxuuse xusay inaan sidaan oo kale wax loo turjumin ee tartanka si nadiif ah loo galo.

Madaxweynihii hore Puntland, ayaa sidoo kale beeniyay inaysan jirin wax ballanqaad ah oo loo sameeyay sida warbaahinta qaar daabacday iyo in taanasul uu ka galayo qorshihiisa.

Hadalka Farole, ayaa kusoo aday xilli  kulan saxaafaddu dibadda ka joogtay uu kasocdo magaalada Garowe, kaasoo u dhaxeeyay RW Cumar, Madaxweyne Gaas iyo Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan la doortay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM