Gaas: Dowladda dhexe Xamar ayay ka talisaa [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe kadib safar uu saaka kaga soo amba baxay xarunta gobolka Karkaar ee Qardho.

Mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka, degmada iyo dadweynaha Garoowe ayaa duleedka Bari ee magaalada kaga hortagay wafdiga Madaxweyne Gaas.

Soo dhaweyn kadib, wuxuu Madaxweynuhu warbaahinta kula hadlaya xarunta Madaxtooyada isagoo ka waramay arrimo ku saabsan amniga, Puntland, joogistiisii Boosaaso, War-saxaafadeed kasoo baxay madaxda maamullada iyo madasha uu Guddoomiyaha ka yahay.

Gaas ayaa ugu horayn sheegay in Boosaaso uu ku sugnaa muddo ka badan Bil islamarkaana uu u joogay adkaynta amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo intaas ku daray in Puntland tahay halka kaliya ee kumanaan KM la isaga lugayn karo, taasna uu ALLE ugu mahadnaqaya.

Wuxuu shacabka ugu baaqay inay adkeystaan amnigooda islamarkaana iska ilaaliyaan, argagixisada iyo siyaasiyiinta doonaya inay dalkooda dumiyaan.

Madaxweyne Gaas oo wax laga weydiiyay in Madashan la mid tahay qab-qablayaashii dalka soo maray islamarkaana carqalad ku yihiin dowladda ayaa yiri, "Adeer hadalkaas waa hadal meel waayay, Madasha Dastuurka ayay ku qorantahay, Dastuurka maadan akhrin miyaa, Dastuurka ayay ku qorantahay in maamul goboleedyadu samaysan karaan madal ay heshiis ku yihiin, Federaalisimkii dhabta ahaa oo hir-galay weeye."

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay maamusho oo kaliya magaalada Muqdisho, balse dalka intiisa kale ay maamulaan maamul goboleedyadu.

"Adeer dalka Soomaaliya dowlad dhexe kaliya ma xukunto, dowlad dhexe Xamar bay ku koobantahay, dalka dowlad goboleed baa gacanta ku haya mas'uuliyad baana naga saaran, taas ayaana na faraysa inaynaan cidna magan uga noqon cidna aynaan u hoos imaan." Ayuu yiri Gaas.

Qoraal maanta kasoo baxday madasha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Madaxweyne Gaas, wuxuuna yiri, "Dhaliil maaha adeer, hada Soomalidu waxay u fadhida murug iyo dhib dhacday, Afar boqol oo qof ayaa dhimatay, intaas qof oo kale ayaa dhaawacantay, marka anagu waxaan ka digaynaa iyadoo taasi jirto in laga shaqeeyo waxaan sax ahayn, waxaana sax ahayn waxa weeye in farogalin lagu sameeyo maamul goboleedyada oo la dhaho hebel baa la ridayaa, hebelka kale ayaa laga tuuraya."

Gaas ayaa sidoo kale ka digay in la carqaladeeyo maamullada dalka, isagoo ugu baaqay in la baritaaro oo lagawada hadlo wixii dhib ah ee jira. "Dowladda dhexe waxaan u sheegayaa adeer dhib ma jiro."

Xiriirka maamullada Soomaaliya iyo dowladda dhexe ayaa mudooyinkii dambe xumaa, waxaana taasi keentay inay magaalada Kismaayo ku samaystaan Madal hogaamiye looga dhigay Madaxweyne Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM