​Gaas oo daah furay Mashruuc lacagtiisu tahay 4 Milyan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September 2017 ku daah-furay magaalada Boosaaso mashruuca caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu Puntland.

Daah-furka Mashruucani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, mas'uuliyiin kasocotay qaybaha kala duwan ee dowladda, Xubno ka matalayay hay'adda UNICEF, Isimo iyo qaybo ka socday bulshada ku nool magaalada Bosaso.

Mashruucan oo muddo saddex sano ah ka shaqayn doona gobollada Gardafuu iyo Bari ayaa ku bixi doona kharasha gaaraya 4 Milyan oo doollar sida goobta xafladda uu ka sheegay mas'uulka Puntland ugu sareeya hay'adda Save the Children oo barnaamijkan wax ka fulin doonta.

Barnaamijkan oo taageeri doona caafimaadka asaasiga ah ee degmooyinka labadaas gobol ayaa la sheegay inuu wax ka badali doono caafimaadka bulshada.

Qaar kamid ah ismada iyo waxgaradka ka qayb galay daah furka mashruucaas ayaa wasaaradda Maaliyadda Puntland ku ammaanay doorka ay ka cayaarayso sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka bulshada, waxayna soo dhaweeyeen mashruucan iyagoo ku baaqay in laga faa'iidaysto.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa tilmaamay in Mashruucan uu qayb ka yahay saddex mashruuc oo waaweyn oo ka socda deegaanada Puntland.

"Mashruucan wuxuu qayb ka yahay saddex mashruuc oo waaweyn oo ka socda deegaanada Puntland. Mashruuc waa midka ka socda gobollada Nugal iyo Mudug, Mashruuc waa mid ka socda gobolka Karkaar, mashruuca waa midkaan," Ayuu yiri wasiir Cuuke oo intaas ku daray, "Mashruuca Mudug iyo Nugal Jarmal ayaa kharashkiisa bixinaya, Mashruuca Karkaar Ingiriiska ayaa bixinaya, Mashruucana sida laga dhawaajiyay waxaa ku deeqay waddanka Sweden."

Madaxweyne Gaas oo daah furay mashruucan ayaa bogaadiyay shaqooyinka wasaaraddu wado, wuxuuna yiri, "Runtii waxaan rabaa marka hore inaan aad u bogaadiyo shaqada wanaagsan ee ay hayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxdeedu, way muuqataa waxay tahay Wasaaradda Caafimaadku, waxayna ka mid tahay Wasaaraddaha aanu kufaano oo si wanaagsan dalka uga shaqeeyey, dedaalka ay muujiyeen iyo isbedelka maanta ka muuqda Puntland dhanka Caafimaadka shaqaday ka qabteen aad bay u mahadsan yihiin."

Isagoo sii hadlaya Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in shaqada wasaaraddu aysan ku koobnay caafimaadka oo kaliya, balse ay kaalin ka qaadato dhib kasta oo dalka ka dhaca.

"Waxaa dheer shaqada caadiga ah marka laga soo tago, dhib kasta oo timaadda, culay kastoo yimaadda oo dhanka nabad gelyada ahna qayb lixaadle bay ka qaataan, cidda ugu horaysa ee meeshaa tegaysaa oo aadaysaa waa Wasaaradda Caafimaadka, waan bogaadinayaa, waxaan leeyahay Hambalyo ( Congratulation) shahaadadii Abaarta iyo middii Al-shabaab ladirirkaba waa laydin siinayaa labadaba," ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Mashruucan ayaa imaanaya xilli dhawaan wasaaradda caafimaadka Puntland ay daah furtay baarnaamin lagu horamainayo caafimaadka gobollada Nugal iyo Mudug oo ay ku bixi doonto lacaga ka badan 30 Malyan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM