Puntland: Gaas oo isku Shaan-dheeyay Maxkamadaha ciidamada qalabka sida [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto ku taariikhaysnayd 03 June, 2017 oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la isugu Shaan-dheeyay Mas'uuliyiinta maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Wareegtada ayaa saamaysay dhammaan mas'uuliyiinta joogta xarumaha maxkamadaha ee ku yaalla gobollada Mudug, Nugal iyo Bari, kuwaasoo mas'uuliyiintii joogay la isku badalay qaybtoodna loo raray maxkamadda sare.

Dadka isku Shaan-dhayntu galaafatay waxaa kamid ah Guddoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Shan gobol oo kamid ah Puntland, Cabdifataax Xaaji Aadan, kaasoo laga dhigay Garsoore katirsan Maxkamadda Sare.

Isagoo la hadlayay Radio Garowe, Kornel Cabdifataax ayaa soo dhaweeyay tallaabadaas wuxuuna sheegay in xil wareejintiisu timid kadib markii Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas isku Shaan-dhayn loogu sameeyay xarumaha Maxkmadaha.

"Isku Shaan-dhayntaas waxay saamaysay dhammaan maxkamadihii, waxaana kuwii Darajada Kowaad waxaa loo raray maxkamadda sare, Kuwii Maxkamadda Mudug joogay waxaa loo raray gobolka Nugal, Kuwii Nugal joogay waxaa la keenay Bari, kuwii Bari joogay waxaa la geeyay Mudug, waana qayb kamid ah habka shaqada dowladda," Ayuu Kornel Cabdifataax oo Waraysi siinayay Radio Garowe.

Mar wax laga weydiiyay in madaxda Puntland tallaabadan u sameeyeen habacsanaan jirta, wuxuu sheegay inay si wanaagsan u shaqaynayeen islamarkaana tallaabadan la xariirin dabacsanaan soo food-saaray shaqadooda.

"Taas ma oran karo sababtoo ah ma jirto ruux nala ka ruqseeyay, balse waxaa wax shaqada dowladda kamid ah in la isku shaandheeyo saraakiisha maxkamadaha," Ayuu yiri Cafdifataax.

Tuhun la xariira inay sii daayeen xubno katirsan Daacish iyo Al Shabaab, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna Kornelku tilmaamay inaysan arrintaas waxba ka jirin, warkaasna uu yahay mid aan lahay sal iyo raad loo raaco.

Ugu dambayn Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo madaxweynaha uga mahadceliyay tallaabada uu isku shaandhaynta u sameeyay iyo booska cusub ee loo badalay.

Kornelkan ayaa kamid ah mas'uuliyiinta ugu shaqada badan isagoo inta badan xukuno dil iyo xarig isugu jira ku xukumi jiray shakhsiyaadka lagu helayo inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab, Daacish iyo kuwa gaystay dilalka shakhsiyaad kale.

Dhowr jeer oo hore wuxuu ka bad-baaday isku day dil oo kooxaha Argagixisado doonayeen inay ku khaarajiyaan.

Go'aanka Madaxweyne Gaas iskugu Shaan-dheeyay Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo garsoorka ayaa kusoo aadaysa xilli Maxaabiis badan oo isugu jira eedaysanayaal iyo xukumanayaal ay ku jiraan xabsiyada Puntland, kuwaasoo qaybtood lagusoo qabtay falal argagixisanimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM