​Puntland: Murashaxiinta Aqalka Sare oo khudbado jeediyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Murashaxiinta u tartamaysa xubnaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia kuwaasoo matalaya Puntland, ayaa maanta golaha Barlamanka ka hor akhriyay khudbado ay uga hadlayeen taariikh nololeedkooda iyo waxay qaban doonaan.

Murashaxiin gaaraya 22 qof, ayaa maanta hortagay Fadhiga Barlamanka Puntland oo ay soo xaadireen 50 mudane.

Waxaa kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ay hareer fadhiyaan labadiisa ku-xigeen.

Mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa kulanka oo ka dhacay magaalada Garowe soo xaadiray, kuwaasoo dhagaysanayay khudbadaha murashaxiinta.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa kulankaasi si rasmi ah u furay, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in murashaxiintu soo xaadiraan hoolka golaha shacabka.

Guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland, ayaa madasha ka sheegay inay dhammaan murashaxiinta hoolka soo xaadiray soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyagoo qiray inay yihiin dad u qalma matalaadda shacabka iyo dowladda Puntland.

Kulankan, ayaa maanta ku ekaa khudbado kaliya, waxaana la filayaa in maalinta Barri ah la guda galo doorashada murashaxiintan.

Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole oo ah murashax u taagan jagadan, ayaa Barlamanka ka hor akhriyay waxqabadkiisa isagoo sheegay inuu muddo dheer ka shaqaynayay gudaha dalka Somalia, islamarkaana uu bud-dhige u ahaa hannaanka Federaalka ee waddanka laga hirgaliyay.

Farole, ayaa sheegay inuu waxbarashada ka gaaray heerka PHD oo uusan wali ebyin, isagoo intaas ku daray inuu shaqooyin muuqda kasoo qabtay gudaha Puntland iyo dowladdii dhexe ee Somalia, wuxuuna Barlamanka ka codsaday inay siiyaan kalsoonida si uu ugu adeego bulshada Somaliyeed ee mudada dheer u shaqaynayay.

Wuxuu intaas ku daray hadii xilkan loo doorto inuu ka shaqayn doono sidii nabad looga dhalin lahaa gobolka Mudug, kaasoo muddo badan colaadiisu soo noq-noqotay.

Murashaxiinta kale ee goobta ka hadashay, ayaa dhammaantood xusay inay wax ka qaban doonaan arrimo ay kamid ahayd, dib u dhiska dalka, ilaalinta cadaaladda, amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo isku xirka bulshada.

Tartamayaashan, ayaa laga soo saari doonaa 11 qof oo Puntland u matalaya Aqalka sare ee Barlamanka Federalka Somalia, kuwaasoo ku biiro doona xubnaha kale ee lagasoo xulay maamullada kale ee dalka iyagoo noqonaya kuwii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM