​Puntland oo amartay in la adkeeyo Amniga maalmaha Ciida

Image

GAROWE, Puntland- Howlgallo lagu adkaynayo ammaanka ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, taasoo looga golleeyay in looga hortago falalka amni darro ee kooxaha nabad diidka ay kawadaan dalka Somalia.

Sida lagu cadeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay shirkii wasiirrada Puntland maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxaa laamaha ammaanka la faray inay aad u adkeeyay nabadgalyada mudada maalmaha ciidul Fidriga oo wax yar ka harsantahay.

Xukuumadda ayaa sidoo kale meesha ka saartay inay jirto xabsi la xariirta amni darro ka jirta deegaanada Puntland iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka fogaadaan warar buumbuuninta ah ee lagu dhaleecaynayo xasiloonida Puntland.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay kor u qaaday xiriirka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ammaanka, sirdoonka iyo shacabka.

Tallaabadaas ayaa keentay in ciidamadu bilaabay howgallo iyo baaritaan dheeri ah taasoo laga dareemayo magaalooyinka Puntland.

Majirto ilaa hadda faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxday howlgalladaas iyadoo sidoo kale ciida kadib la filayo inuu Puntland soo gaaro Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa wada safaro uu ku tagayo dhammaan maamullada dalka isagoo horay u booqday, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

Waa socdaalkiisii ugu horeeyay ee ku imaan doono Puntland tan iyo markii bishii labaad ee Sannadkan loo doortay Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM