​Puntland: Xildhibaanada labada Aqal oo la sagootiyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta kulan qado, shahaado siin iyo sagootin isugu jiray loogu sameeyay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, Xildhibaanada labada Aqal Barlamanka Federaalka Somalia ee dhawaan la doortay.

Kulankaas, waxaa joogay RW waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole, Guddoomiyaha Barlamanka oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, Wasiiro, xildhibaano, Guddiga doorashooyinka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadas, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa; kulan albaabada loo xiray oo ay wada qaateen Xildhibaanada dhawaan la doortay, Madaxweyne Gaas iyo labada ah [Farole iyo Sharmake].

Intii xafladdu socotay, waxaa hadallo kala duwan soo jeediyay dhinacyadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada gaar ahaa, xukuumadda, guddiga iyo laamaha ammaanka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Puntland, Nabadoon Khaliif aw-Cali, ayaa sheegay in dhib badan laga soo maray soo xulista Xildhibaanada isagoo mushkiladda ugu badan xusay inay ka taagnaayeen dhinaca Ergooyinka.

Wuxuu tilmaamay inaysan jirin wax fowdo ama gacan ka hadal ah oo dhacay intii lagu guda jiray doorashada isagoo ammaanay dhammaan intii ka qayb qaadatay.

Xubin kamid ah Guddiga doorashada heer Federaal Siciid Qoorsheel, ayaa ina ammaanay ammaanka ka jira caasumadda Puntland ee Garowe, wuxuuna u mahad-celiyay dhammaan intii doorashada ka qayb qaatada isagoo Xildhibaanada kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan maslaxadda umadda iyo kan deegaanada ay mataal.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo soo hadal qaaday arrimo kala duwan, ayaa sheegay inay ka dambeeyeen in dalka Somalia, ka qabsoonto doorasho caynkaan oo kale ah, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamanka dalka.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sidoo kale Xildhibaanada kula dar-daarmay inay matalaan Puntland, sidaas darteed loo baahnayn inay noqdaan fadhiid, balse ka warhayaan dadkooda, dalkooda iyo cidda ay matalaan.

Wuxuu intaas ku daray inay ka go'antahay isu keenista shacabka Somaliyeed, wuxuuna sheegay in Puntland mar kasta u taagnayd sidii loo soo celin lahaa sucmaddii iyo hannaankii dalka.

Markii lasoo gaba-gabeeyay khudbadah, waxaa shir saxaafaddu dibadda ka joogtay wado qaaday Xildhibaanada labada aqal iyo mas'uuliyiinta kala ah; Cabdiwali Maxamed Cali, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Farole.

Lama oga waxa ay kawada hadleen, balse waxaa loo badinayaa in shirkoodu la xiriiray arrimaha doorashooyinka.

Sagootintan, ayaa timid xilli xalay lagusoo afmeeray magaalada Garowe doorashada xubnaha Aqalka hoose, kuwaasoo tiro ahaan gaaraya 37 mudane, halka Aqalka Sare horay loogu doortay 11 Xildhibaan.

15 bishan, ayaa qorshuhu yahay in lagu dhaariyo caasumadda Somalia si ay u guda galaan wajibaadkooda Qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM