​Wariye Kilwe “Si ka xun qaabka Argagixisada ayaa la iila dhaqmay” [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Muddo 14 cisho ah kadib, waxaa xorriyadiisa dib u  helay, Wariye Madax bannaan oo lagu magacaabo Axmed Cali Kilwe, kaasoo dhawaan lagu qabtay Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Wariyahan oo markii dambe loo dhaadhiciyay Xabsiga Weyn ee lagu hayo dadka gala dambiyada culus iyo kuwa eedaysan falalka Burcad badeeda, ayaa maanta lasoo daayay iyadoo aysan jirin sifo sharciga waafaqsan oo loo maray go’aankaas sida uu sheegay Kilwe oo xorriyadiisa kadib la hadlay warbaahinta.

Mar uu ka waramayay qaabka loo qabtay iyo sida loola dhaqmay, Wariyahan ayaa sheegay in markii la qabanayay loola dhaqmay qaabka ka xun sida Argagixisada dabadeedna la weydiiyay su’aalo qaybtood uu sheegay inaysan khusayn.

“Ciidamo uu watay Muxiyadiin Gacamey ayaa i qabtay anigoo aan is lahayn adiga ayay kuu socdaan, waliba iyagoo aan waxba i weydiin ayay xoog igu qabteen anoo isku dayayay inaan dejiyo, kadib waxaa la ii gudbiyay Kantrolka Koonfureed oo la igu xiray, inta waliba la iga bixiyay dharka iyo kabaha oo la damcay in la iga wada siibo,” Sidaas waxaa shirkiisa Jara’id ku sheegay Kilwe oo maanta la sii daayay.

Kilwe, ayaa tilmaamay in saddex cisho kadib loo dhaadhiciyay Jeelka waliba lagu hayay goobta loo asteeyay dadka lagu eedeeyo Falalka Argagixisada iyo Shabaabnimada.

Wariye Axmed Kilwe, ayaa sidoo kale xusay in sii dayntiisa iyo xarrigiisa labaduba yihiin kuwo loo maray sifo sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in lagu xad gudbay xuquuqdiisa isagoo carrabka ku dhuftay in laga qaaday Taleefonkiisi islamarkaana la jabsaday Baasuweyrkiisa dabadeedna la baartay fariimihiisii khaaska ahaa.

“Xarigayga iyo sii dayntuba waxay ahayd Sharci darro qaab sharci darro ah oo afduub ah ayaa la igu haystay.” Ayuu yiri wariyahan.

Mar uu ka hadlayay isaga iyo Madaxweynaha wixii dhexmaray, Kilwe ayaa yiri, “Majirto wax na dhexmaray, laakiin dhaliilo ayaa jira, balse waxaana rabaa inaan kala saaro Baraha Bulshada iyo Warbaahinta caadiga ah ee aan katisanahay, Social media malaha faaf reeb, wax kasta ayaa lagu qori karaa, magacayga ayaa lagu shaqaysan karaa, waxay lahayd in la hubiyo.”

Wuxu mahadcelin usoo jeediyay Wariyaasha Garowe, ururka MAP, Dallada PUNSAA iyo xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, oo uu ku tilmaamay inay ka qayb qaateen xorriyadiisa.

Dhinaca kale qaar kamid ah Wariyaasha Puntland oo ay kamid ahaayeen Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac iyo Maxamed Siciid Yusuf, ayaa sheegay in maalin kasta si sharciga ka baxsan loola dhaqmo Wariyaasha.

Waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in Puntland 18 sano kadib wali ku mashquulsantahay xariga lagula kacayo Wariyaasha.

Maaha markii ugu horaysay xukuumadda Madaxweyne Gaas qaab sharci darro ah ku xirto kuna sii dayso xubno katirsan Bahda Warbaahinta.

Madaxweyne Gaas ayaa xilligii olalahii Doorashada 2013 ku ballan qaaday xorriyada hadalka inuu ilaalin doono islamarkaan qof kasta fikirkiisa u gudbin doono dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM