​Wasiir Soocade oo dil ugu hanjabay wariyaasha Puntland [Dhagayso]

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo tan iyo markii uu xafiiska yimid hanjabaad iyo xarig kula kacayay wariyaasha iyo warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland, ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo hor leh, wuxuuna ku goodiyay inuu dili doono ciddi waraysata Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan.

Soocade oo lahadlayay Radio Daljir, ayaa tilmaamay inuusan ixtiraamayn dastuurka iyo qaanuunka warbaahinta dalka, balse taa badalkeeda u gacan qaadi doonaan wariyaasha isagoo adeegsana rasaas.

"Wallaahi, Billaahi, Tallaahi, waan soomanahay, inaanan sharci fulin doonin oo aan xeer eegi doonin, xabbad iyo dil waxaanan ahayn inaanan u hayn wariyaasha maanta kadib,"Ayuu yiri wasiir Soocadde.

Wuxuu xusay in lugaha iyo gacmaha ka jari doonaan wariyaasha islamarkaana aysan cidna wax u qaban doonin isagoo si gaar ah u magacaabay dalalka caalamka ee xuquuqda aadanaha difaaca.

"Wallaahi hadii gaal yimaado ama jinni yimaado ama hadii aad moodaysaan Eydaas xun xun ee aan shalay ka imid ee Ingiriis iyo Maraykan inay idin difaacayaan Lugahiina iyo Gacmahiina ha kuwaayina....Walaa Dastuur ayaanan aqoon, walaa xeer ayaanan aqoon, walaa wax kalaanan aqoon, Xabbad ayaan haysanaa hadaad afka nalasoo gashaan Indhaha iyo Wadnaha ayaan idiin kasoo saaraynaa,"Sidaasi waxaa wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiir Soocadde oo sii hadlay ayaa yiri,"Sharci darro iyo xoog ayaan idin kuwadaynaa waayo idinkaa xishoon wayay oo sharcigii dhaafay".

Hadalkan ayaa soo yeeray maalin uun kadib markii wasiir Soocade, uu soo saaray waraaq loogu hanjabayo warbaahinta taasoo lagu farayay inaysan waraysi, sawir iyo qoraalba ka samayn shakhsiyaad uu ku sifeeyay argagixiso, waxaana xusid mudan in qoraalkaasi lagu muujin cidda sida tooska ah loola hadlayo iyo qodobka loo adeegsaday ee dastuurka ama xeerka warbaahinta kamid ah. Waxaana arrintaasi si aad ah u cambaareeyay wariyaasha ka howlgala deegaanada Puntland kuwaas oo sheegay in wasiirku si khaldan u isticmaalayo awooddiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM