Xubno katirsan urur Diimeedka Al Saaciduun iyo dowladda Puntland oo kulmay

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland, kulan kuwada qaatay qaar kamid ah ragga aaminsan fikirka kooxda la magac-baxday Al Saaciduuna Bil Xaq iyo dowladda Puntland oo shirkaas u matalayay maamulka gobolka Nugal iyo taliyaha la dagaallanka Argagixisada.

Shirkan oo dhacay salaaddii Duhur ee maanta ka dib, ayaa xubnahaas kusoo bandhigayeen afgaartooda iyo sida loo arko farqiga u dhaxeeya.

Waxay sheegeen inaysan ahayn “Takfiir”, islamarkaana aysan xiriir la lahayn kooxaha Argagixisada sida Al Shabaab iyo Al Qacida.

Guddoomiyaha gobolka Nugal oo ka hadlayay shirka ay wada-qaateen labada dhinac ayaa xusay inay isku af-garteen arrimo ay kamid tahay inaysan hub qaadan karin kana qayb galin karin siyaasadda, balse wuxuu carrabka ku dhuftay inaysan dowladdu aqoonsanayn.

“Ururka Saaciduun waxaan ku heshiinay in aysan hub qaadan karin,tababar siin karin dad kale,siyaasada lug ku lahayn iyo qodobo kale,” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Jamaal Xasan Aw Muuse oo ka mid ah xubnaha ururkaas oo ka hadlayay eedaha uga yimid bulshada iyo maamullada ka jira Somalia, ayaa xusay inay aad u kala fogyihiin mabda’a ay wataan iyo waxa loo nisbaynayo taasoo uu ku macneeyay arrin ay aad uga xunyihiin.

Wuxuu meesha ka saaray inay kamid yihiin ururka Somalidu u taqaano Takfiir oo muddo hore ka aas-aasmay dalka Masar kaasoo jiray muddoo kabadan Afartan Sano.

Xubnahan ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay inaysan wax kasta oo lagu sameeyo ka noqon doonin fikirka ay qaateen, isagoo sheegay inay yihiin shakhsiyaadka kaliya ee xaqa ku taagan, waxayna shaki galiyeen sida culimada Islaamku wax u wadaan.

Taliyaha hoggaanka la dagaalanka Argagixisada Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in xubnaha ku jira Urur diimeedka Saadicuun ay kamid yihiin bulshada caadiga ah ee ku nool Puntland.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli dowladdu sheegtay inay dagaal la gali doonto ururkan iyo cid kastoo katirsan kadib shir jara’id oo magaalada Garowe ku qabteen Guddoomiyaha gobolka Nugal iyo Taliyaha la dagaallanka Argagixisada.

Lama oga waxa badalay mowqifkoodii hore, xilli dowladda Somalia iyo culimaduba ka digayaan khatarta kooxdan fadhigoodu yahay magaalada Qaahira.

Qofka u hadlayey ururkaan ayaa warsaxafadeed ku horqabtey saraakishaan kuwaasoo dhageysanyey ninka ku hadlayey afka ururkaan Marka uu isdifaacayey.

Tan iyo markii ururkan lagu dhawaaqay Shantii bishan, waxaa taageero looga muujiyay magaalooyinka Muqdishu, Hargaysa iyo Bosaso, taasoo keentay in baaqyo laga soo saaro, waloow maamulka Somaliland uu xabsiga dhigay dhammaan ashkhaastii taageertay fikirkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM