​Yacquub Maxamed Cabdalle oo dhaliilay siyaasadda madaxweyne Gaas ee gobolka Mudug [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland-  Guddoomiye ku-xigeenkii hore golaha deegaanka degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa maanta ka hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan qorshayaasha madaxweyne Gaas ka wado magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Yacquub oo warbaahinta kula hadlayay magaalo madaxda Garowe, ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu hareer maray ballanqaadyo badan oo waqtiyo kala duwan ku shubay dhagaha shacabka, isagoo ku eedeeyay inuu faraha kula jiro waxa uu ugu yeeray "Qabyaalad".

Wuxuu tusaale usoo qaatay xubnaha cusub ee madaxweyne Gaas u magacaabay gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha shalay ku doodayay in qabyaalad iyo siyaasad xumo dalka ka saarayo uu isagu horseed u noqdo.

"Madaxweynaha waxaan leeyahay, madaxweyne sannadkan hadda 2016 adigaa ugu badnaa Shaashadaha waxa kasoo muuqda oo Qabyaaladda diida oo Somaliya 4.5-keeda ka hadla, ma waxaad noqotay kuwii Qur'aanka lagu sheegay ee la yiri; "Wanaaga ayay faraan dadka, kumana dhaqmaan"...Qabyaaladdaad shalay diidaysay, waxaan filayaa inaan adigu shalay gacantaada ku miistay,"Ayuu yiri Yacquub Maxamed Cabdalla.

Fariin adag ayuu u diray shacabka magaalada Galkacyo gaar ahaan kuwa ka biyo diidsana tallaabada madaxweynuhu ku dhaqaaqay, isagoo u sheegay inaysan dhibaato ka abuurin gobolka balse ay ka shaqeeyaan hormarka iyo adkaynta amniga.

Madaxweyne Gaas, ayuu ka codsaday inuu ka noqdo waxyaabaha uu sameynayo, isagoo yiri;"Madaxweyne adaa marka koowaad u baahan inaad qabyaaladda ka fogaato oo naftaada dahirto, dadkana waxaan leeyahay "Ragoow Barasho, Geeloow rarasho", professor-kii is-badalkuu waakaa qabyaaladda dhaamiyay, dadka reer Mudugna waxaa u taal in arrintaas wixii lamid ahba ka hadlaan".

Hadalkan guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo ayaa kusoo beegmay xilli madaxweyne Gaas muddooyinkii dambe lagu dhaliiyay inuu wax ka qabto amni xumada gobolka Mudug islamarkaana xafiiskiisa lagu dhaliiley inuu dhexdhexaad ka noqdo siyaasada gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM