Al shabaab oo xaqiijisay Geerida Cali Jabal

Image

TORATOROW, Somalia - Al shabaab ayaa soo saartey bayaan cusub, oo ay ku xaqiijisay Geerida Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), oo 30-kii bishii July Mareykanka ku diley Duqeyn Cirka uu ka fuliyay deegaanka Tooratoorow, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warka kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in Cali Jabal iyo Wiil uu dhalay, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Amiin, oo 12 jir ahaa ay ku geeriyoodeen Gantaal Diyaarad Drone ah ku dhufatey Gaari ay la socdeen oo marayey duleedka Tooratoow.

Bayaanka Al shabaab, oo uu ku saxiixan yahay hogaankeeda sare waxaa lagu xaqiijiyay sidoo kale in Cali Jabal oo u qaabilsanaa howlgalkeeda gobolka Banaadir uu ku dhintey Weerarka cirka ee Mareykanka uu ka geystay gobolka Shabeellaha hoose.

Al shabaab ayaa ka tiiraayootey in Cali Jabal oo mudo dheer kasoo barbar dagaalamay uu hadda garabkeeda faarujiyay, isagoo ku baxay gacanta Ciidamada Mareykanka.

Mareykanka ayaa beegsi ku haya hogaamiyaasha sare ee Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida, isagoo qaarijiyay dhowr dhowr xubnood oo uu kamid ahaa Hogaamiyeedii ugu sareeyay Axmed Godane, oo September 1, 2014 ku dhintay Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM