DEG DEG: Mukhtaar Roobow oo soo gaarey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad gaar ah, oo siday Afhayeenkii hore ee Kooxda Al shabaab, Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur", ayaa goordhaw kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdishu.

Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, iyo Saraakiil kale ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana looo galbiyay dhanka qasriga Madaxtooyada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu saacadaha soo socda Shir Jaraa'ida ku qaban doono Muqdishu, si uu u iclaamiyo inuu kasoo baxay fekerka Al shabaab, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxda sare ee dalka, oo ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre.

Roobow ayaa saaka iska soo dhiibayy degmada Xudur, ee gobolka Bakool, kadib markii Saraakiil katirsan Koonfur Galbeed Somalia kasoo kaxeeyeen deegaankii uu mudo ku sugnaa ee Abal, halkaasi oo Al shabaab kusoo weerartay todobaadkii tagey.

Wasiirka difaaca Somalia ayaa Xudur kasoo wadey Roobow oo kasoo dejiyay magaalada Muqdishu.

Wixii kusoo kordha warkana, kala soco wararka dambe, ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM