DEG DEG: Qarax Culus oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo laha maqlay jugtiisa meelo fog-fog oo katirsan magaalada.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid lo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasi oo ka dhacay inta u dhaxatsa Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyo Hoteelka Makka Al Mukarama.

Rasaas xooggan ayaa xigtay qaraxa, iyadoo Gaadiidka gurmadka deg dega ah ay goobta gaareen, islamarkaana billaabeen inay dhaawacyada u qaadaan Isbitaallada si si loogu daweeyo.

Ciidamada Amaanka ayaa xiray Wadada Mukka Al-Mukarama, ee uu qaraxa ka dhacay, waxaana soconaya baaritaano xooggan.

Warar hordhac oo aan helayno ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ruux ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, oo noqonaya midki labaada oo ka dhacay Muqdishu mudo labo maalmood ah. 

Illo-wareedyo ayaa ku waramaya in Gaariga uu qarxay kadib markii ay ku joojiyeen Ciidamada amaanka meel ku dhaw Saldhiga degmada Waaberi.

Fahfaahinta qaraxa kala soco Wararkeena dambe haddii Alle idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM