​Madaxweyne Shariif Xasan oo Xilkiisa halis ku jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada Mooshinka Kalsooni kala noqosho ah, oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warsidaha Garowe Online, ayaa ogaaday inuu socdo Mooshin aad u xoog badan, oo abaabulkiisa  ka socda meelo kala duwan, oo Muqdisho ay kamid tahay, kaasi oo la sheegey in ku dhawaad 82 Xildhibaan saxiixeen.

Xildhibanno ku sugan Baydhabo, oo ka gaabsaday inaan magacyadooda shaacino, ayaa  u xaqiijiyay Garowe Online inay jiraan Tiro xildhibaano oo loogu hanjabay in xilalka laga qaadayo hadii ay ku biiraan mooshinka,

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 149 Xildhibaan, ayaa in ka badan 67 mudane waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kuwa kalena ay dalka ka maqan yihiin, kuwaasi la sheegey in  dhamaantood taageersan yihiin Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo maalin kahor kasoo laabtey dalka dibadiisa, ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana la filayaa in gacan loo geliyo Mooshinka cusub.

Mooshinka ayaa la filayaa in Xildhibaanada uga doodaan shir ay dhawaan ku yeelanayaan degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka sidoo kale aan helayo waxay sheegayaan in Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed, ay doonayaan inay is-casilaan marka uu kullaado Mooshinka socda, kaasi oo rajo weyn laga qabo inuu guuleysanayo.

Qodobada ay cuskanayaan Xildhibanada wada In  Mooshinka waxaa kamid ah:

Amni darrada, ma jirto magaalo u gudbi karta magaalo kale deegaanada Koonfur Galbeed, waxaa go'doomin ku haysa Al shabaab mudo ku dhaw 4 sano.

Dagaalka Sokeeye ee gobolka Shabeellaha Hoose, Kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha dadka gobolkaasi, oo ah midka ugu soo wax-saarka fiican gobollada Koonfur Galbeed.

Fashil dhinaca Dhismaha Ciidanka maamulka, waxaa jiray in ka badan 4,000 Askari oo loo tababaray, loona qalabeeyay Koonfur Galbeed, kuwaasi oo hadda mushaar la'aan ukala tagay.

Afgenbi Siyaasadeed - La tashi iyoo wadashaqeyn la'aan Hay'adaha Sharci dejinta iyo Fulinta

Jebinta qodobo kamid ah Dastuurka, sida inuu 54 Xildhibaano uu ku daray Baarlamaanka oo Xeerka uu dhigayo in uu ka koobnaado 95 Xildhibaan, waxaano uu hadda yahay 149.

Afduubka nidaamkii Awood qeybsiga, Beelo badan ayaa Doorashadii Xildhibaannada ku waayay inay helaan saamigii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo midka Faderaalka, kadib markii Shariif Xasan uu keensaday rag isaga u adeegga.

Waxyaabaha kale ay sheegayaan dadka ka shaqeynaya in mooshinkaan guuleysto ayaa waxaa kamid ah go’aankaii uu ku tageerey Shariif Xasan xulifada Sucuudiga.

Dhinaca kale, Xildhibanada tageersan Madaxweynaha  maamulka Koonfur Galbeed, ayaa aaminsan In mooshinkaan Dabada ka riixeyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ayaa tageertey mooshin la sheegey in xilka looga qaadey madaxweynaha maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM