Maxay tahay sababta Abshir Bukhaari u mucaaradayo Madaxweyne Farmaajo?

Image

MUQDISHU- Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee aqalka sare Barlamanka Federaalka Somaaliya Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa maalintii shaley 11Sept, 2017 ku guuldareystey qorshe uu rabey in mudanayasha aqalka sare kaga doodaan Kiiska Qalbi Dhagax.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somaliaya ayaa horey u soo go'aamiyey in mudanayasha ka doodaan Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" iyadoo xogaha warsidaha GO helayo sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka Kowaad Mudane Bukhaari arinkaan dabada ka riixayey.

Kadib markii Xildhubaano ka tirsan aqalka sare codsadeen in arinkaan la galiyo cod bixin ayaa   afhayeenka aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi,  ku dhawaaqay in dooda ku aadan arinta Qalbi Dhagax, laga saarey Ajandaha kulanka , kadib markii ay 21 Mudane isku raaceen in dib loo dhigo halka 11 Xildhibaan kasoo horjeysateen, 4 kalena  ka aamuseen codka loo qaadey dib u dhigista.

Liis magacyada xildhibanada diidey doodaan iyo kuwa ka hor yimid oo saxafada lagu shaaciyey ayaa gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee aqalka sare waxaa uu kamid ahaa mudanayaal 11 ah ee diidey in doodaan dib loo dhigo.

Abshir Maxamad Axmad "Bukhaari" iyo xubno  ku jira aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somaliya ayaa raba in Kiiska Qalbidhagax u edeegsadaan sidii mooshino ay ku ridayaan xukuumada Khayre uga keeni lahaayeen kadibna awood qaybsi siyaasdeed ula sameeyaan Madaxweyne Farmaajo.

Bukhaari iyo siyaasiyiin kale ay kawada tirsan yihiin xisbiga Daljir ayaa dowladihii Madaxweyne  Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh awood qaybsi siyaasdeed la lahaa balse ka horyimid kadib markii khilaafyo soo kale galeen.

Dhinaca kale xubnaha ku bahoobey xisbiga Daljir ayaa doorashadii ka dhacdey Somaliya  8 Feb, 2017 Saacidihii ugu dambeeyey codad Kooban ku biiriyey Madaxweyne Farmaajo balse mucarad  noqdey kadib markii ay iska dhexwaayeen awood qaybsigii siyaasadeed.

Dadweynaha Somaliyeed oo aad u soo dhoweeyey doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa welwel wayn ka qaba qaabka hay'adaha sharci dajinta u siyaasadeynayaan nidamakii saxda ahaa ee loo maro isla-xisabtan sax ah  kasoo wadada u xaari lahaa nidaam dowladnimo ee ka hirgala dalkaan dagaaladu ragaadiyeen horumarkisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM