Puntland: Deeq la gaarsiiyay dad ku nool Galdogob

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay’adda Somali Releif Network of North Amarica (SRNNA) oo fadhigeedu yahay dalka Canada, ayaa Biyo dhaamin iyo cunto qaybin ka samaysay degmada Galdogob ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku suganyihiin boqolaal qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka Somalia iyo Itoobiyaba.

Hay’adda ayaa dadka deegaankaasi gaarsiisay 25 booyadood oo biyo ah, kuwaasoo labo kamid ah la siiyay kaam ay ku jiraan dadka soo barakacay.

Socdaal degmadaas ay ku tageen mas’uuliyiin katirsan hay’adda ayaa sidoo kale ugu kuur-galeen xaaladda dadkaas iyagoo qiimayn ku sameeyey baahiyaha daruuriga ah ee loo baahanyahay in deg deg wax looga qabto.

Qorshahan oo markii hore ku ekaa biyo dhamin kaliya ayaa mas’uuliyiinta (SRNNA), waxay kaamka ALLAALE ka sameeyeen raashin qaybin deg deg ah kadib markii dadka barakacayaasha ah ku war-galiyeen in qaybtood 24 saac aysan quudan wax raashin ah.

Guddoomiyaha Kaamkaas oo ka warramay xaaladda dadkan ayaa sheegay inaysan jirin cid gacanta ku haysa dadkaasoo u badan haween iyo carruur, wuxuuna xusay in dadka deegaanku isku xilqaameen sidii meel loo dajin lahaa islamarkaana qaylo dhaan loogu samayn lahaa dal iyo dibadba.

Goddoomiyaha degmada Galdogob, Xasan Maxamed Faarax Ayaxle, ayaa ka mahad-celiyay deeqda la soo gaarsiiyay dadkaan dhibban, wuxuuna hay’adda Somali Relief ka codsaday inay sii waddo kaalmada noocaan oo kale ah maadama xaalku wali adagyahay.

Wakiilka hay’addan Sheekh Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, oo ka hadlayay tabarucaadda ay sameeyeen, ayaa sheegay in deeqdan ay kaga qayb qaadanayaan dhibka haysta walaalaha Soomaliyeed ee ku cayroobay abaarta ka jirta waddanka, wuxuuna intaas ku daray inay dhawaan ka samayn doonaan degmada Raashin Qaybin kale si wax loogu qabto dadkaasi oo qaybtooda badani ka yimaadeen ismaamulka Somalida Ethiopia.

Gaadaale, ayaa xusay in qorshahoodu ahaa biyo dhaamin kaliye, balse markii ay arkeen xaaladda dadkan isku dayeen inay maalin ama labo dabka u shidaan si loo bad-baadiyo noloshooda.

“25 booyadood oo biyo ah ayaan dhaaminay, waxaana ujeedkeenu ahaa inaan dareenno lana qaybsanno walaahayo dhibka haysta, laakiin markaan aragnay dhibka meesha ka jira runtii waxaana ku dhiirranay inaan samayno qorshe aanan ku talo galin, waxaanna Kaamka ALLAALE oo saddex KM u jira degmada Galdogob ka qaybinay raashin isugu jira, Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Gaadaale

Wuxuu ka codsaday guud ahaan walaalaha Somaliyeed ee ku nool dalka iyo dibaddiisaba iyo gaar ahaan kuwa ku nool Canada inay u istaagaan sidii dadkaas wax loosoo gaarsiin lahaa.

“Si deeqdan biyaha ah aan u hubino in la geeyay meelihii iyo dadkii loogu talo galay, waxaana raacnay booyadaha, runtii dhibka aan soo aragnay lama soo koobi karo, waa markii iigu horaysay ee aan ooyo waayo waxaana arkay, hooyo aan wax cunin in ka badan 24 saac iyo 20 jir lowyaha cuskanaya oo kici la’a baahi darteed. Dadkaas innaga ayay inoo baahanyihiin inaan wax u qabanno ALLE ayaa baahidooda dabooli karee,” Ayuu hadalkiisa ku daray mudane Gaadaale.

Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay gurmadka ay samaysay hay’addu waxayna sheegeen inay kusoo beegantay waqti loo baahnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM