​Puntland oo gacanta ku dhigtay 14 qof oo Ajnabi ku jiro [Dhagayso]

Image
Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa gacanta ku dhigay ku dhigay dhowr iyo toban ruux oo la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab kuwaasoo kusii jeeday Buuraha gobolka Bari ee Calmadow, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay talisyada ciidamada dowladda.

Dadkan oo lagu qabtay duleedka magaalada Garowe, gaar ahaan halka lagu magacaabo Cuun, ayaa watay baabuur iyo saanad kale.

Warkan oo lagu baabiyay barta ciidamada PSF-ta Puntland ku leeyihiin aaladaha bulshadu ku xariirto, ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay oo kala ahaa 12 rag ah iyo Labo Dumar ah ay ka yimaadeen Koonfurta dalka Somalia

"Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan 14 Alshabab ah oo u socda Buuraha calmadow ayagoo marayey duleedka magalada Caasumada ee garowe. Waxaa mahad iska leh Allah oo noo suura geliyey qabashadoodii way mahadsanyihiin dhamaan laahaama kale ee amniga oo nala shaqeeyey. Shacabkeena sharafta badan ee reer Puntland iyo soomaaliya waxaanu ku dhiiragelinaynaa inay sidaas iyo si la mid ah ciidanka ula shaqeeyaan, " Ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada PSF.

Xubnaha la qabtay ayaa la xusay inaysan adeegsan wadada laamiga ah, balse ay isticmaalayeen Jidadka mara miyiga.

Dhinaca kale Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Awmaxamuud (Xinjira dhuuq), oo la hadlay Radio Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkaas iyo sida uu u dhacay.

Xinjira-dhuuq, ayaa tilmaamay in dadka deegaanku soo bixiyeen xog ku saabsan baabuurkan dadkaasi wateen, isagoo xusay inuu socdo baaritaan ku aadan cidda ay yihiin.

Wuxuu intaas ku daray inuu la socdo ruux Ajnabi ah oo ilaa hadda la aqoonsan karin cidda halka uu kasoo jeedo.

Majirto cadaymo iyo faah faahin dheeraad ah oo ay bixyeen ciidamada dowladda iyo xukuumadda Puntland intaba.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa iminka waxaa ku socda baaritaano la xariira ujeedka ay u socdeen iyo inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabanayay shakhsiyaad katirsan Al Shabaab iyo qaraxyo la doonayay in weeraro looga gaysto gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM