​Somalia: Beesha Caalamka oo ka walaacsan dhisamaha Hiranland

Image

MOGADISHU, Somalia - Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dedaallada socda ee maamul cusub looga dhisayo gobolka Hiiraan, kaasi oo ay sheegeen inuu caqabad ku noqonayo HirShabelle.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen QM, Midowga Africa, EU, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, U.S. ayaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan isbedellada ka dhacay HirShabelle iyo Xil ka qaadistii 14-kii August lagu sameeyay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Kadib markii uu Cosoble uu diiday xilka qaadista, Saaxiibada Somalia waxay ugu baaqeen dhinacyada inay xaliyaan khilaafka taagan, iyadoo loo marayo qaab Dastuuri ah, islamarkaana waafaqsan sharciga.

Waxay sheegeen dowladahan in Khilaafka jira uu caqabad ku yahay hanaanka dhamaystirka maamulka HirShabelle, oo tan iyo markiii la dhisay 2016-kii, ku howlanaa baahinta maamulkaasi ee gobollada uu ka arimiyo.

Iyadoo laga fekerayo dhibaatada loo soo maray dhisamaha HirShabelle iyo dhaqaalaha badan ee lagu bixiyay, Beesha caalamka waxay ka digayaan in la bur-buriyo, iyadoo loo adeegsanayo maamulka cusub ee lagu dhisayo gobolka Hiiraan.

War Saxafadeedka ayaa lagu sheegay in go'aanada halka dhinac ah, ee aan sharciga waafaqsaneyn, ay abuurayaan in fowdo iyo carqalad horleh, oo ragaadisa hanaanka xasilinta iyo xoojinta dowladnimada dalka Somalia.

Waxaa lagu booriyyay dhamaan dhinacyada, gaar ahaan Cosoble iyo Madaxda HirShabelle inay wada fariistaan, oo ay xal deg deg ah ka gaaraan khilaaf soo ifbaxay ee ku qotoma dhanka awoodda, iyadoo loo marayo Dastuurka maamulkaasi.

Beesha Caalamka waxay sheegeen inay aad ugu adkaynayaan Madaxda Somalia in la dhowro deganaanshaha Siyaasadeed, taasi oo aas-aas u ah horumarka iyo dhisamaha qaranimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka Somalia.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor looga dhawaaqay Magaalada Beledweyne maamul Cusub oo lagu magacaabo Hiranland, kaasi oo Madaxweyne loogu doortey Calii Cabdullahi Cosoble, kadib markii Xildhibaanada HirShabelle Kalsnooda kala noqdeen 14-kii August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM