Siilaanyo oo daah-furay Shidaal Baaris laga Samaynayo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BURCO, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo socdaal ku maraya gobollada Bari ee maamulkaas ayaa maanta ka qayb galay munaasabad looga hadlay shidaal baarista ka socoda qaar kamid ah deegaanada Somaliland.

Baarista Shidaalka iyo Macdanta oo haatan ka socota gobolka Togdheer ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo waxay booqdeen goobaha shaqadu ka socoto, isagoo soo indha indheeyay howlaha baarista khayraadka oo ay ku howlantahay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Kormeer kadib wafdiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa gaaray magaalada Burco, wuxuuna ka qayb galay xaflad lagu daah-furay arrintan, isagoo ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in mashruucan uu si rasmi ah uga bilowday gobollada Saraar iyo Togdheer, wuxuuna bulshada ugu baaqay in la taageero nidaamka dowladdu wado.

“Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag," Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somaliland.

Dhaliilaha uga imaanay bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna xusay in xukuumaddiisu ay u bisishahay dhammaan caqabad kasta oo imaanka karta, balse wuxuu ballan qaaday inuu saxayo wixii khaldan.

“Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo. Aniga oo mabaadiida aan aaminsanahay ka duulaya, waxaan diyaar u ahay in aan saxo wixii qaladama, waxaana la yidhi "Qalad waa markii la qabto," Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa u digay cid kasta oo kasoo horjeesata qorshah Shidaal iyo Macdan baarista Somaliland, wuxuuna ku goodiyay in cashar ay u dhigi doonaan cid kasta oo khal-khal galisa danta maamulkaas.

“Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo midnimada ummadda Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa,”Ayuu raaciyey hadalkiisa Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dib udhaca doorashadda oo wadamada beesha caalamku ku dhaliileen xukuumadda inay dhawr dib u dhacday taasina ay keentay inay ka cadhoodeen dib u dhaca soo noq noqday eek u yimid doorashadda.

“Dib u dhacan, waxaa keenay, abaarta ba'an ee inagu habsatay.Muddo kordhintani, waxay ka mid ahayd go'aammadii iigu adkaa, shakhsi ahaan, ee isoo maray muddadii aan talada dalka gadhwadeenka ka ahaa. Sidoo kale, waxay ka mid tahay, arrimaha culus ee aan marar badan, ka fekiray tan iyo intii aan hano-qaaday. Aniga oo arkayay duruufta adag ee dadkayga haysata, haddana si aan uga hortago dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, waxaan isku dayey, in aan ku qanciyo madaxda xisbiyada qaranka, in la isku maareeyo gurmadka abaarta, iyo qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo qabsoomidda doorashada,” Ayuu yiri Siilaanyo.

Qorshahan ayaa yimid xilli mashaariic kala duwan ka socdaan gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland, kaasoo ay kamid tahay dhismaha dekedda Berbera iyo saldhiga Imaaraadka ee laga furayo xarunta gobolka Saaxil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM