Somaliland oo diidey sharciga Isgaarsiinta Federaalka Somaliya

Image

HARGEYSA- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, musdafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo dhowaan uu saxiixay uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah. 

Wasiir Musdafe ayaa sheegay: "Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso. Marka anaga nagama xiri karaan.

 Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay."  Wuxu wasiir Mudafe sheegay in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa.  

"Wax dhibaato ah kama soo gaareyso. Waan la socodsiinay madaxdooda", ayuu yiri wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

"Xagga isgaarsiinta, wax aan ka wadahadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan markale ku celinayaa, xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay, Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo," ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiir Musdafe.

Muxuu dhigayaa sharciga isgaarsiinta ee Soomaaliya

Sharciga waxa uu ka koobanyahay 11 qeybood oo waaweyn iyo illaa 70 qodob oo ka kooban 35 bog oo qoraal ah.

Wuxuu si guud ah uga hadlaya isgaarsiinta noocyadeed kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo isgaarsiinta ciidamadda. Ma ahan mid aad u faahfaahsan, hoosna uma sii galayo arrinta ku saabsan canshuuraha iyo qidmooyinka laga qaadayo shirkadaha isgaarsiinta.  

Jaangoynta canshuurta waxa uu sharciga u xilsaarayaa hay'adda isgaarsiinta qaranka oo la tashanaysa wasaaradda maaliyadda. 

Dakhliga kasoo xarooda isgaarsiinta noocyadeeda kala duwan ayaa waxaa lagu shubayaa qasnadda bangiga dhexe sida uu farayo sharciga maaliyadda Soomaaliya. 

Sharciga waxa uu meesha ka saarayaa dhammaan sharciyadii kale ee uu dalka lahaa, gaar ahaan kii dowladdii dhexe ee jirtay ka hor 1991-dii. 

Burburkii ka hor Dalka ka maysan jirin isgaarsiin gaar loo leeyahay, sharcigii jireyna wuxuu ka hadlayay isgaarsiintii dowladda ay laheyd.

Amniga iyo Isgaarsiinta

Sharciga waxaa banaanka ka ah isgaarsiinta ciidamadda oo lagu maamuli doono xeerar kale oo uu ka midyahay kan amniga.

Hase yeeshee sharciga waxa uu jiddeynayaa sida ku cad qodobka 66aad, in shirkadaha isgaarsiinta ay bixiyaan xogta la xiriirta qof isticmaala adeeggooda isgaarsiineed haddii ay soo dalbadaan laamaha ammaanka. Balse waa in maxkamad ay amartay baaritaankaas, waxaana shirkadaha laga mamnuucay in ay cid kale u sheegaan in ay xog gaar ah bixiyeen.

Isla qodobkaas ayaa faraya shirkadaha in ay illaaliyaan sirta xogta shaqsiga ee laga dalbaday.

wuxuu sharciga waajibinayaa in shirkadaha ay diiwaangeliyaan nambarada taleefoonada ay horey u bixiyeen, iyo kuwa hadda kadib ay bixin doonaan, iyada oo qofka la weeydiinayo warqadihiisa aqoonsiga.

Xigasho: BBC

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM