Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed
ADDIS ABABA — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu muddo dheer lahaa marin muhiim ah oo Badda Cas ah, balse uu markii dambe waayay sababo uu ku tilmaamay tabar-darro iyo dayacaad gudaha ah.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay maanta noqotay “maxbuus juqraafiyeed”, isaga oo xusay in luminta marin-badeedka dalka aysan ka dhalan awood dibadeed oo hor istaagtay danaha Itoobiya, balse ay qayb ka ahayd khaladaad gudaha ah.
“Badda Cas oo Itoobiya ay sannado badan maamuli jirtay waa laga qaaday, Itoobiya-na waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed sababo la xiriira caajisnimo gudaha ah,” ayuu yiri Abiy.
Hadallada Abiy ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin joogto ah oo ay ku gaarto Badda Cas, taas oo Addis Ababa u aragto arrin muhiim u ah dhaqaalaha, ganacsiga iyo danaha istiraatiijiyadeed ee dalka.
Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa, iyagoo ogaadey in marin-badeeda ku xiran yahay horumarka dalkan ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof.
GAROWE ONLINE